Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 60 katirsan Al-Shabaab

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Somaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana dowladda ay sheegtay in dagaalkaas lagu dilay 60 katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda & kuwa degaanka ay weerareen degaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Xubno katirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen degaanka Cali –qaboobe, sidaasina howlgalka ay u qaadeen, kuna dileen 60 katirsan Al-Shabaab.

Wuxu sidoo kale sheegay in howlgalka lagu qabtay Hubkii ay wateen Al-Shabaab  iyo labo gaari, sidoo kalena la burburiyay Gaari ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Howlgalkan gaarka ahaa oo Ciidamada dowladda Somaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la so dhaafay ay hakadeen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Mamaul Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.