DHAGEYSO: Dowladda Ruushka oo hub ka iibin doonta Soomaaliya

Dowladda Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka iibin doonaan hub hadii codsigooda uu noqdo mid sax ah oo la hubo.

Afhayeen la hadlay Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA Novosti ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hubka ay ka iibin doonaan marka laga qaado Cunaqabataynta dhanka hubka saaran ee Qaramada Midoobe.

Hadalka Afhayeenka u hadlay Ruushka ayaa yimid xilli dhowaan Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kulan la qaatay Sergei Lavarov Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Raashiya.

Sergei Lavarov Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Raashiya, ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay in dowladiisa diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.

Dalka Soomaaliya waxaa saaran Cunaqabatayn dhinaca Hubka oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkii 1992-kii.

Dhowaan ayay aheyd markii  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xubnaha Golaha Ammaanka ee Q.M ka codsaday in Soomaaliya laga qaado Xayiradda Hubka saaran, si ay Ciiddanka Qaranka u helaan Hub ay u adeegsadaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Ilaa iyo hada Qaramada Midoobey hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya jawaab kama aysan bixin.