Dowladda oo ruqsaynaysa dadka Lacagta Qaata ee aan shaqaalaha dowladda ka mid aheyn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Dacaale Beyle ayaa si kulul uga hadlay dadka dowladda lacagaha ka qaata ee sheega in ay  yihiin Shaqaalle dowladda ka tirsan , islamarkaana aan qaban shaqooyinka loo idmaday ama aan soo xaadirin shaqadda.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in shaqsiyaad goobo kale ka shaqeysta ay dowladda Lacag Mushaar ah ay ka qaataan.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo kala duwan oo lacagaha ay xaqdarada ku qaataan looga joojinaayo.

Mudane Beyle ayaa tilmaamay in dadkaasi qaarkood ay kunool yihiin dalka Dibadiisa, islamarkaana akoonadooda lacagta loogu shubo Markaste oo shaqaalaha dowladda ay Mushaar qaadanayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujisay boqolaal qof oo ku jira Liiska Shaqaalaha dowladda , kuwaa soo shaqooyin kale qabsada dowladdana aan u shaqeyn.