Tiemoue Bakayoko Oo Dib Ugu Laabtay Monaco

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda AS Monaco ee Tiemoue Bakayoko  ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa AS Monaco kadib markii uu waqti ku soo qaatay caasimada dalka France ee Paris , waxaana soo laabashadiisa waqtigan ee Monaco loo fasirtay in ay tahay macasalaamayntii ugu danbaysay ka hor inta aanu ku biirin kooxda Chelsea oo uu heshiis la gaaray.

Tiemoue Bakayoko ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ku soo qaatay Paris halkaas oo uu si wayn uga soo dukaamaystay laakiin iyada oo la sugayo waqtiga ay Chelsea sida rasmiga ah ugu dhawaaqi doonto saxiixa Tiemoue Bakayoko ayuu dib ugu soo laabtay kooxdiisa Monaco oo uu ka soo caawiyay in ay koobka horyaalka France ku soo guulaysto.