Duqeyn ka dhacday Sh/hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeeyeen degaano hoos yimaada degmada Baraawe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe oo Risaala u waramay waxaa uu sheegay in duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab in ay ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Bashiir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in duqeyntaasi ay la socdeen maamulka gobolka Shabeelaha Hoose , islamarkaana ay ka dhacday degaan 10 Km u jira Magaalada Baraawe.

Dhanka kale Waxaa uu sheegay in Ammaanka degmada Aad loo adkeeyay , islamarkaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay waddaan howlgallo kala duwan