Siyaasi Cabdi Nuure oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dowladda Kenya oo qabatay waxa ay ku soo wareejisay dowladda Federaalka Soomaliya.
Warka ayaa intaa ku daraya, in Cabdi Nuure Siyaad goor dhaw laga soo qaaday dalka Kenya iyadoona loo soo duuliyay magaalada caasimada muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa baadi goob ugu jirtay,iyadoo uu horey uga baxsaday Cabdi Nuure magaalada muqdisho xilli ay dowladda isku dayday in ay qabato oo ay weerar ku qaadeen Hoygiisa ciidamada dowladda.
Cabdi Nuure Siyaad Cabdiwaal, ayaa xiligaa kadib aaday gobolada dhexe ee Soomaaliya wuxuuna qayb ka ahaa dagaalkii ay Ahlu-sunnah uga saareen Ciidamada dowladda Soomaaliya degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa mareeb.
Si kastaba Cabdi Nuure oo haatan Maxbuus u ah dowladda Federaalka ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu ka baxay bartamihii sanadkii 2014-kii.


