DHAGEYSO: Mareykanka “Waa in la xoojiyaa ciidanka Soomaaliya”

Mareykanka-RisaalaFM- Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay sare u qaadayso xiriirka ay la leedahay wadamada geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu horeeyso.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in khatarta Al-Shabaab ay hoos u dhacday sidaas darteedna dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay in ay balaariso taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Stephen Schwartz oo ah safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ay u soo magacowday Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Stephen Schwartz ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sameeyo ciidan  qaran oo ay Soomaaliya ay yeelato .

Dowladda Maraykanka ayaa Soomaalia u diraysa safiirkeedii u horreeyay muddo 25 sano ah. Safiirkan oo lagu magacaabo Stephen Schwartz ayaa shalay lagu dhaariyay magaalada Washington, kadib markii aqalka Senate-kuu uu bishii May anixisiyay.