DHAGEYSO: ICG “Awooda Shabaab way daciiftay”

Kooxda ICG ayaa sheegay in ay hoos  u dhacday awooda xarakada Al-Shabaab  ee ka dagaalanta Soomaaliya .

Waxay kooxdaas sheegtay in tan iyo markii Shabaab laga saaray magaalooyinka waa weyn dalka Soomaaliya in ay hoos u dhaceen weerarada ay ka geysanayaan  Soomaaliya.

Waxay Sheegeen in aan la dafiri karin weerarka Shabaab ay geysanayaan magaalada Muqdisho iyo  gobolada dalka Soomaaliya iyo laakiin ay tahay arinta dhabta in ay hoos u dhacday weerarada ay geystaan xarakada Shabaab .

Kooxda soo saartay warbixintaan ayaa sheegay in duqeynta ay geysanyaan diyaaradaha dagaalka ay hoos u dhigtay awooda Shabaab .

Hogaamiyaal badan oo ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Maraykanka.