Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo tallaabooyin ay ku burburinayso nidaamka federaalka dalka, gaar ahaan maamulka Puntland.
War-murtiyeedka oo ay saxiixeen 30 xildhibaan iyo senator ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaaday “duulaan siyaasadeed” oo ka dhan ah kala dambeynta iyo nidaamka federaalka, iyagoo ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha Puntland iyo jiritaanka nidaamka awood qeybsiga dalka.
Xildhibaannada ayaa bulshada Puntland ugu baaqay inay si mideysan uga hortagaan waxa ay ku tilmaameen duullaanka lagu hayo nidaamka federaalka, isla markaana ay u istaagaan difaaca jiritaanka iyo madaxbannaanida maamulka Puntland.
Sidoo kale, xildhibaannadan ayaa beesha caalamka ka codsaday inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, si looga hortago in xaaladdu u gudubto heer sii cakiran.
War-murtiyeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimo la xiriira awood qaybsiga, doorashooyinka iyo maamulka amniga.



