Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga?.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fartaag ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Dowladda Talyaaniga, Matteo Piantedosi.

labada Wasiir ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, tababarrada Ciidanka Booliska, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha amniga, iyo arrimaha socdaalka.

Heshiiska ayaa la sheegay in si gaar ah diiradda u saarayo horumarinta barnaamijyada waxbarashada iyo tababarrada xirfadeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tayeynta iyo kobcinta aqoonta tababarayaasha Soomaaliyeed si ay iyaguna u tababaraan ciidamada kale, is-weydaarsiga saraakiisha iyo booqashooyinka waxbarasho, iyo is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta, iyo hababka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo hay’adaha amniga.