DHAGEYSO: Ciidamada Dowladda oo bilaabay in ay AMISOM kala wareegaan deegaanada ay gacanta ku hayaan

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan qorsheyaal ay kula wareegayaan deegaanada ay Ciidamada AMISOM ka saareen Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in deegaanada laga saaro Al-Shabaab ay la Wareegayaan Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Maamulka Koofur galbeed.

Wasiirka ayaa xusay in uu meel wanaagsan marayo howlgalka Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ay kaga sugan yihiin isla markaana la soo afjaro bilaha soo socdo.

Maalmihii dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ka dhacaayay howlgalo ay sameynayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana howlgaladaasi ujeedkoodu uu ahaa sidii Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.