Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa xalay lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo Korneel Xasan Barre Raage.
Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay geysteen dilka, iyagoo dilka kadib halkaasi ka baxsaday.
Ciidamada amaanka degmada Wadajir ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada baaritano ku aadan sida uu dilka u dhacay.
Taliyaha Boliiska degmada Wadajir ayaa Idaacadda Risaala usheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Maalmihii udambeeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.


