Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta la Aasi doono Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza, oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo kamid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.
Xilidhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta la Aasi doono Burci Maxamed Xamza ayna ka qeyb gali doonaan labada gole ee dowladda Soomaaliya.
Xilidhibaan Dalxa ayaa sheegay in Muqdisho lagu la tukan doono salaada Janaasada ka dibna loo qaadi doono magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamze ayaa ku geeriyooday weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naaso Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.


