Dowladda Kenya oo lacag badan ka heshay AMISOM

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa dhaqaalo badan waxa ay ka heshay AMISOM, iyadoo dhaqaalahaasi loogu talo galay in lagu suggo ammaanka dalkaasi.

Lacagta Kenya la siiyay ayaa gaaraysa 4.2 Billion oo Lacagta dalka Kenya ah, xilli Kenya ay filaysay in ay hesho dhaqaale intaasi ka badan oo howlgalka AMISOM ugu deeqo.

Dhaqaalaha Kenya ay filaysay in ay ka hesho AMISOM ayaa gaaraya 6.4, balse Kenya waxa ay heshay 4.2 taasi oo ka yar intii ay filaysay.

Dagaalka ka socda dalka Soomaaliya ayaa darteed dowladda Kenya waxay sare u qaaday in ay muhiimad gaar ah siiso amniga saddexdii sano ee la soo dhaafay.

AMISOM waa hawlgal nabad ilaalin oo ka ka socda Midowga Afrika una jooga Soomaaliya sidii ay u xasilin lahaayeen waxaana howlgalku masuuliyad iska saaray in uu ka caawiyo Kenya dagaalka ka dhanka ah Shabaab lana siiyo miisaaniyad ay ku hawlgasho.

Kenya ayaa ciidamo badan waxaa looga dilay gudaha dalka Soomaaliya, halka ay jiraan kuwa kale oo badan oo dhaawacyo u jiifa Isbitaalo ku yaal dalkaasi.

Khasaarihii ugu badnaa ee howlgalka AMISOM ka soo gaara dowladda Kenya ayaa wuxuu ahaa weerarkii Shabaabka ay ku qaadeen Xeradii Kenyanka ay ku lahaayeen degmada Ceel cadde ee gobolka Gedo oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo dagaalyahano.