DHAGEYSO: Maamulka Hiiraan oo ka qeylo dhaamiyay xaaladaha ka jira Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Dadkii ugu badnaa ayaa waxa ay ka barakaceen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu saameyn ku yeeshay daadadka ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay hey’adaha sama falka in ay u soo gurmadaan shacabka ka barakacay Beledweyne, kuwaasoo maciin biday duleedyada degmada iyo buuraha, halkaas oo ay roobabka deyrta uu ku dul da’ayo.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkii ka barakacay Beledweyne ay nolol xumo ku heysato duleedka magaalada.

Waxaana uu dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha ka codsaday in ay gar gaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Beledweyne.

Dadka reer Beledweyne ayaa isugu darsamay colaad iyo fatahaada wabiga, waxaana heerka uu gaaray fatahaada wabiga Shabeelle uu yahay mid aan horay loo arkin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay la wareegtay Deeq gar gaar ah oo ka timid dowladda Turkiga, si loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira iyo fatahaada Wabiga Shabeele.