DHAGEYSO: Soomaali dib udejin ka waayey dalka Mareykanka

Mareykanka-RisaalaFM- Danjiraha dalka Soomaaliya ufadhiya magaalada Washington ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay in ay ku xiran yihiin dalka Soomaaliya ayna xukuumada Mareykanka damacsan tahay in ay dib ugu celiso dalkooda.

Dhalinyaradaasi oo qaab tahriib ah ku galay dalka Mareykanka ayuu Danjiruhu sheegay in dowladda Mareykanka uu kala hadlayo kadib markii uu maqlay arinta la xiriirta dhalinyaradaasi isaga oo sheegay in dowladda Mareykanka xiriir uu la sameeyay ay suuragal noqon weysay in uu helo tirada rasmiga ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee arimahaasi uxiran qorshahana uu yahay in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.

Xabsiyo ku yaala dalka Mareykanka ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo qaarkood uxiran tuhuno ku aadan in ay xiriir la leeyihiin ururka Daacish iyo Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.