Dowladda Jarmalka oo xirtay looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish

Jarmalka ayaa xiray labo nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaasoo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar ka dhan ah baarlamaanka Sweden, si ay uga aargoostaan ​​Qur’aankii lagu gubay dalka Sweden.

Xxafiiska dacwad oogaha federaalka Jarmalka ayaa sheegay, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay labada Nin ee la xiray inay ka soo jeedaan dalka Afgaanistaan ​​, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Ibrahim MG iyo Ramin N , magaalada bariga Jarmalka ku taalla Gera, ayaa lagu xiray.

Laamaha Amniga dalka Jarmalka ayaan weli wax faah faahin ah aysan ka bixin tallaabadan ay qaadeen, waxaana siwyen looga dareemay gudaha dalka Jarmalka labada Nin ee la xiray