koox ciidamo British ah ayaa soo gaaray Soomaaliya si ay taageero u siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin howlgalka Golaha Qaramada Midoobe kuwasoo loogu talagay in ay la dagaalamaan Al-shabaab.
Tirada ciidanka soo gaaray Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dhan yihiin 10 askari kuwasoo hirgalin doona arimaha tababarka iyo caawinta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa midowga Afrika ee AMISOM.
Dowladda Uk ayaa sidoo kale sheegay in kudhawaad 300 askari loo diray khilaafka ka taagan dalka Koofurta Sudan.
ra’iisul wasaaraha Britain Divid Cameron ayaa horay u sheegay bishii September in sanadkii la soo dhaafay in dowladda Britain ay isku wadi doonto tababarka iyo caawinta Shacabka kunool Geeska Afrika.
Soomaaliya ayaa waxaa joogaa ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo ciidamo kasocda wadamada Qaaradda Yurub kuwasoo loogu talagay in ay tabar bixiyaan.


