Dowlad goboleedyada oo markale laga dalbaday xisaab celin

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale ka dalbaday maamul goboleedyada inay soo dhameystiraan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ee ka midka aheyd taageerada dowladdu siiso maamul goboleedyada.

C/raxmaan Bayle ayaa sheegay in si xushmad leh ay uga codsanayaan labo jeer Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada inay dalabkooda soo gudbiyaan oo ku saabsan isticmaalka lacagihii horay loogu diray, kadib qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale lagu sheegay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay in wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyneysay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada si ay u diyaariyaan xisaab celinta laga rabo.