Doorashada Kenya oo socota & Amniga oo siweyn loo adkeeyay

Cod bixiyeyaasha dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha ay yaallaan sanduuqyada doorashada si ay u doortaan Madaxweyne cusub oo baddala Uhuru Kenyatta.

In ka badan 22 milyan oo shacabka Kenya ah ayaa maanta dooranayaa Madaxweyne cusub, wakiillada baarlamaanka iyo golaha deegaanka.

Doorashadan oo la filayo inay si weyn ugu tartamaan Madaxweyne ku xigeenka dalka, William Ruto iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa ku soo beegmaysa xilli shacabka dalkan ay dareemayaan culayska sicir barar si weyn u kordhay bilihii dambe.

Waxay shacabka maanta dooranayaan:

Hal Madaxweyne.

47-Sanatar.

47-Guddoomiye gobol.

337- Xildhibaanno ah.

1,450- Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka.

Maamulka Kenyatta ayaa soo afjarmaya kaddib markii uu dhammaystay labo muddo xileed oo isku ah toban sano.

Madaxweynaha kursiga bannaynaya ayaa doorashada ku garab taagan siyaasiga muddada dheer mucaaradka ku ahaa – ahna Raysul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, isagoo kasoo horjeeda madaxweyne ku xigeenka, William Ruto.