Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka socota doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga ugu horreeya ee doorashada Maanta.
Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-175 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Kursiga labaad ee Hop158 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Bare Maxamuud, isaga oo helay codad gaaraya 72-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Maxamed Isaaq uu heley 23-cod
Hadda waxaa socota codeynta kursiga Saddexaad ee doorashada Maanta, waxaana qorshuhu yahay in Maanta Magaalada Baydhabo lagu doorto Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.



