Wararka laga helaayo xeebaha dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku degtay dooni u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo kusoo jeeday degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Doontaan ayaa afar cisho ka hor ka soo baxay dalka imaaraadka carabta .
Waxyaabaha Saarnaa doonidaasi iyo sidoo kale sababaha rasmiga ee keenay in ay degto doonitaasi wali faahfaahin buuxda lagama haayo.


