Waxaa goor dhow magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyey saxiixa qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhacaya sanadkan 2016, kaas oo ka dambeeyey wada hadallo labo todobaad ka badan u socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa saxiixay heshiiska , sidoo kale waxaa saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating.
qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ah :
- In nidaamka doorasho ee 2016 ee la isla qaatay uu noqdo 4.5.
- In aan doorashada 2020 sinaba loogu geli karin 4.5, waxaana damaanad buuxda ka qaadeysa beesha caalamka.
- In doorashada Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka halka ay ka dhacayso ay go’aankeeda gaaraan Madasha Qaran ee 7 Hoggaamiye ka kooban.
- Xildhibaanada Aqalka sare waxaa soo xulaya Puntland, waxaana soo bandhigaya Aqalka Hoose.
halkan ka akhriso heshiiska:






