Diyaarad siday Meydka Eng Yariisow oo soo gaartay Magalada Muqdisho

Magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaaa goordhow soo gaartay diyaarad siday Meydka alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii Xarunta Gobolka Banaadir.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa waxaa ku sugan Boqolaal ruux iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la filayo inay ka qeyb galaan Aaska Meydka Guddomiyihii Gobolka Banaadir.

Madaxda ugu Sareysa dalka oo ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu Waddaa in ay ka qeyb galaan Aaska Marxum Yariisow.

En Yariisow  ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, iyada oo dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin nooca qaraxa iyo dadkii ka dambeeyay.