
Hal askari oo Yukreyn u dhashay ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen laba iska horimaad oo ay la galeen, Kooxda uu Ruushka Taageero ee gooni u goosadka, sida laga soo xigtay ilo udhow Milatariga .
Ukraine ayaa waxay la dagaalamaysaa, gooni goosadyada ay taageerto Ruushka ee bariga Donetsk iyo Lugansk, tan iyo 2014-kii, kadib markii Xukuumada Moscow ay ku dhawaaqday in iyadu maamusho gacanka Crimea.
Iskahor-imaadka rabshadaha wata ayaa kor u kacay bishaan,iyaada oo seddex askari Ukrain looga dilay qarax miino, halka laba kale lagu dilay isku dhacyo ay la galeen gooni u goosadka.
Maalintii Isniinta Amaanduulaha Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine Ruslan Khomchak ayaa sheegay in askarta ay rasaas ku fureen dad ay ka shakiyeen meel u dhow magaalada Avdiivka, oo kaliya lix kiiloomitir waqooyi ka xigta Magaalada Donetsk ee caasimada u ah gooni u goosadka.
“Hal askari ayaa dhintay midna waa dhaawacmay kadib markii cadowgu laba jeer bambo nagu soo weerareen,” ayuu Khomchak u sheegay Warfidiyeenka.
Dagaalka ka qarxay gacan ku haynta crimea ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 13,000 oo ruux, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ka dib markii Moscow la wareegtay Crimea, laakiin tirada dhimashada ayaa hoos u dhacday sannadihii la soo dhaafay.
Ruushka ayaa beeniyay inuu ciidamo iyo hub u diray si ay u taageeraan gooni goosadka.
Khilaafka ayaa xudun u ahaa, khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhex taagnaa Qaramada Midoobay iyo ruushka, kadib markii wadamada reer galbeedka ay sheegeen in Ruushka uu is hor istaagayo dadaalka lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo.