Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in maalinba maalinta ka damebeysa uu dalka kusoo kordhayo cudurka safmareenka ah ee coronavirus, kaas oo kiisas badan laga helay dalka.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirar dhowr ah oo dhacay iyo qiimeyn la sameeyay lagu joojiyay isku soo baxyada dadweynaha, si looga feejignaado faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxaa uu Wasiirka sicad u sheegay in maranaba dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin dibadbax ka dhici kara Magaalada Muqdisho ha ahaado mid ay dhigayaan Mucaaradka iyo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya, isla markaana uu yaal hub farabadan, sidaasi daraadeedna aan la ogoleyn banaanbax.
Warkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay ku dhawaaqeen dibadbax ka dhacaya Taalada Daljirka Daahson ee degmada Boondheere Maalinta Jimcaha ah 26/2/2021.