Jubbaland oo faah faahisay Kulankii Axmed Madoobe & Wakiilo ka socday Beesha Caalamka

Madaxweynaha  Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga  qeyb galeen  Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in kulamadana diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.