DHAGEYSO: Daadad ku dhuftay Kismaayo

maamulka jubland ayaa ka hadlay daadad ku dhufay Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba hoose.

Wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka jubland ayaa sheegay in daadad xoogan ay ku dhufteen magaalada kismayo iyo waliba Magaalooyinka ku yaal ee xeebta .

Maxamed Warsame darwiish ayaa baaq u diray bulshada soomaaliyeed waxuuna sheegay in ay dhacday Musiibo qaran,isagoona intaa sii raaciyey ay wadaan maamulka jubaland gargaar deg deg.

Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in daadaku ku dhufteen gobolo kale oo katirsan jubbland.