Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ku fulisay xasan xanafi xaaji.
Xasan Xanafi Xaaji Xasan ayaa horay waxaa uu u qirtay in uu dilay wariyaal farabadan oo uu ka mid ahaa alle ha naxariiste Sheekh Nuur Abgay oo ka tirsan Raadiyaha iyo Tvga qaranka.
Xasan Xanafi ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeey in uu maleegay dilka wariyaal badan iyo waliba hanjabad joogta ah in uu geystay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa horay ugu xukuntay dil toogasha ah lakiin racfaan ayuu ka qaaday waxuuna hor tagay maxkamada Sare, waxayna ku xukuntay dil toogasha.
ugu dambeeyey Xasan xanafi Saakay ayaa lagu fuliyey xukunkii dilka ahaa waxaana lagu toogtay iskuul polozia.


