War goordhow soo gaaray Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow qeybo ka mid ah degmada Hodan lagu dhaawacay mid ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Erdogan ee Ex-Digfeer.
Dhaqtarka ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan dowladda taas oo ay ku furanayeen Wadada agmarta Hoteelka Amiira oo mashquul badan uu ka jiray,waxana dhaqtarka uu watay gaari yar oo nooca raaxada ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Dhaqtarka ayaa rasaasta ka haleeshay Garabka,isla markaana dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka uu ka howlgelayay ee Ex-Digfeer.
Dhaqaatiirka Isbitaalka Digfeer ee uu ka howlgalyay weli wax faah faahin ah kama bixin dhaawaca Dhaqtar ka howlgalayay Isbitaalka.



