Qaban qaabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku asteysan maanta ayaa ka socota Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee gobollada dalka.
Sidoo kale Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto Munaasabad lagu weyneynayo Xuska 15 May Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana munaasabadahaasi ka qeyb galaya Madaxda sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ururka dhalin ayaa iska kaashanaya qabsoomida munaasabadaha lagu xusayo Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
15 May, ayaa ah maalinta dhalinyarada soomaaliyeed waxaana sanad kasta dalka gudahiisa iyo dibadiisaba laga dhigaa xaflado lagu weyneynayo maalintaas, waxayna sidoo kale ku asteysan tahay aas aaskii ururka dhalinyarada gobanimo doonka ahaa ee SYL.


