DHAGEYSO: Maamulka Koofur Galbeed oo bilaabay howlgal ka dhan ah Shabaab

Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kawadaan deegaanada maamulka koofur galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay inta aan laga gaarin doorashada in shabab laga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxa uu ugu baaqay shacabka maamulka Koofur Galbeed in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka maamulka koofur Galbeed si looga hortago weeraro ay shabaab ka geystaan deegaanada Maamulka Koofur galbeed.