DHAGEYSO: Xildhibaanad Maryan Cariif “waa in la cadeeyaa Qoondada Haweenka”

Washington-RisaalaFM- Xildhibaanad Maryan Cariif oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadashay nidaamka lagu soo xulayo Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda iyo tirada Haweenka loo qoondeeyay.

Xildhibaanad Maryan Cariif oo la hadashay VOA-da ayaa waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in la helo sidoo kalena la cadeeyo Qoondada ay Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in Madaxda dowladda ay horey usheegeen in Qoondada Haweenka ee siyaasada Soomaaliya ay tahay 30% balse kaliya ay afka ay ka yiraahdeen laakiin ilaa iyo hada aysan sameyn wax ficil ah.

Xildhibaanad Maryan Cariif ayaa sidoo kale sheegtay in Haweenku ay udub dhexaad u yihiin Nabadda iyo Horumarka muhiimna ay u yihiin dhismaha dowladnimada.

Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya ayaa horey usheegtay in haweenka ay muhiim u yihiin geedi socodka Siyaasadda dalka, ayna muhiimtahay in ay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka cusub.