Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa Idaacadda Risaala waxa ay usheegeen in ciidan lagu qiyaaso Kun Askari oo ka tirsan Shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ay gaareen deegaanada iyo Warxole iyo Biyo-cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidanka Ahlu-sunah iyo iyo saraakiishooda, sidoo kale xiriiro aan la sameynay ma aysan inoo suura gelin inaan khadka ku helno.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ku waramaya in Dagaalyahanada Shabaab ay ka amba baxeen Ceeldheer iyo tuulooyin hoosyimaada gobolka Galgaduud, islamarkaana ay isugu tageen Warxole iyo Biyo-cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.


