Mareykanka oo Cambaareeyay Qaraxyadii Muqisho ka dhacay

Mareykan-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u canbaaraysay Qaraxyadii  maanta ka dhacay  agagaarka Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo saartay Dowladda Mareykanka, ayay ku sheegtay in ay aad uga xuntahay falalka qaraxyada noocaan ah oo ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab.

Ugu dambeystii, wuxuu Mareykanka sheegay in ay xoojinayaan dib u dhiska Ciidaanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

In ka badan 10-ruux oo isu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay meel u dhaw xarunta Xalane ee agagaarka Garoonka Adan cadde ee  Magaalada Muqdisho.