Ciidamada Booliiska gaar ah ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa Al-Shabaab ka soo bad baadiyay ku dhawaad 18-qof oo ay u heysteen Madaxfurasho Lacageed.
Dadkaan ayaa waxaa lagu soo bad baadiyay Howlgal ciidankaan ay ka sameeyeen deegaanka Shanqoolow oo u dhaxeeya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobalada Baay iyo Gedo.
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.


