Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dekada Muqdisho ku soo bandhigtay Dawooyin dhacay iyo sidoo kale Bagaash dhacay.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya oo gaaray goobta Dawooyinka dhacay lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in arintan ay tahay mid aad u xun, sidoo kalena laga hortagi doono.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la warbaahinta ayaa sheegay in arintan ay tahay fal dambiyeed weyn sidoo kalena lagula xisaabtami doono raggii ku lugta lahaa.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa amray in la ciqaabo dadka ku howlan ka ganacsiga badeecooyinka dhacay, kuwaas oo ay ku jiraan ragga maanta soo dejiyay badeecada dhacday.
Dhowaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay Dekada Muqdisho ku soo bandhigtay Raashiin dhacay kaas oo ka yimid dowladda Masar.


