DHAGEYSO: Xeer ilaaliyaha” baaritaano kale ayan ku sameyn doonaa waxyaabaha maanka dooriya”

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya oo dhowaan ay gacanta ku soo dhigeen ciidmada maamulka gobolka Banaadir.

Axmed Cali Daahir ayaa waxa uu sheegay waxyaabahaas maanka dooriya oo ay soo qabteen ciidamada amaanka in looga shakiyay in ay ku jiraan waxyaabo loo adeegsado falalka qaraxyada ah ee ka dhaca gudaha dalka, isagoona sheegay in waxyaabahaasi haatan baaritaano lagu hayo.

Ciidamada amaanka maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan gacanta ku soo dhigay waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu sidoo kale sheegay dadkii iibinayay iyo waliba dakii ku lug lahaa waxyaabahaasi maanka dooriya in talaabo laga qaadi doono.