DHAGEYSO: Xaalada Baledweyne oo dagan iyo maleeshiyaadkii oo la kala qaaday

Xalaada magaalada Baledweyne ayaa saakay dagan ka dib markii maalmihii la soo dhaafay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Baledweyne.

Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah  howlgalka AMISOM ayaa kala qaaday meeleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha magaalada Baledweyne Macalin Cusmaan Qalaafow ayaa sheegay in la kala  qaaday beelihii ku dagaalamay magaalada Baleweyne,islamarkaana hada ay bilowdeen wadahadalada nabada ee la doonaayo in lagu hishiisiiyo beelihii dirirto dhex martay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Baledweyne in ay xabada joojiyaan mar kalena uusan dagaal ka dhicin magaalada Baledweyne ayna nabadda qaataan.

Shacabka kunool magaalada Baledweyne ayaa waxaa soo wajahay xaalad adag ka dib markii uu ku fatahay webiga Shabeele iyo sidoo kale dagaalo muddo ka socday magaalada Baledweyne.