Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Seekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu bilaabay howlgal ka dhan ah ururka Shabaab.
Waxa uu sheegay in maamulka koonfur Galbeed ay bilaabeen howgal balaaran oo Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in ay Shabaab ka saari doonaan inta aan la gaarin doorashada guud ahaan gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano ka tisan goobaha uu ka taliyo Koonfur Galbbed.


