Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa uu kula kulmay saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar u jooga.
Saraakiishan oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay tababar la xiriira dhanka ciidanka ku qaadanayaan halkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Turkiga uga qeyb galay shir looga hadlayay arimaha aadanaha.





