Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabadan dib loogu hirgelinayay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo hogaanka cusub ee Ururkaasi ayaa Maanta lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaarad Warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya, Gudoomiyhii hore ee Maxkamada Sare ee dalka, Siyaasiyiin horay xilal ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maray, Agaasimayaal ka socday Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, iyo Idaacadaha iyo Telefishinada ku yaalla Muqdisho iyo masuuliyiin kale.
Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa khudbado dhiira gelin iyo Hamyo isugu jirta ka jeediyay Siyaasiyiintii, marti shataftii iyo Ergooyiinkii ka qeyb galay doorashada hogaanka NUSOJ.
Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ka warbixiyay waxyabaha ay rajeynaya iney u qabtaan saxafiyiinta Soomaaliyeed 3 sano ee soo socota.
Wasiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan ayaa sheegay in Saxafiyiinta loogu baahan yahay in ay bartaan sharciga Saxaafada si ay mustaqbalka ugu badbaadaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaarada Warfaafinta ay si dhow ula shaqeyneyso hogaanka cusub ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.


