DHAGEYSO: Waxgarad go’aano ka soo saaray shir ay ku yeesheen Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Waxgarad, Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ka hadlay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ay sheegeen in ay ku dadaalayaan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto dhismaha Maamulkaasi.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa ugu baaqay beelaha ka maqan shirka Jowhar iney ku soo biiraan shirka isla markaana ay muujiyaan tanaasul.

Waxaa magaalada Jowhar ka soconaya shir la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana wali jira beela ka soo jeeda qaabka uu u socdo dhismaha maamulkaasi.