Muqdisho-RisaalaFM-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo gurmado dadka danyarta ah eek u nool Xerooyinka Muqdisho.
Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi uu saameyn ku yeeshay roobabka inta badan ka da’ay Caasimada Muqdisho isla markaana aysan heysan wax ay isaga difaacaan roobabkaasi.
Waxa ay sheegtay in maro kaneecooyin, Buste iyo alaab kale ay gaarsiin doonto dadkaasi barakacayaasha ah ee ku nool Caasimada Muqdisho.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in Wasaarada Caafimaadka ay si koormeeri doonaan dadkaasi si ay ugu warqabaan Xaaladooda Caafimaad.
Roobabkii maalmihii dambe ka da’aayay ayaa waxa ay saameyn ku yeeshay qoysaska danyarta ah ee ku nool Xerooyinka Barakacayaasha ah ee ku yaalla Gudaha iyo duleedka Muqdisho.


