Taliyaha Saldhiga Booliiska Burtiinle Gaashaanle Saciid Cabdi gurtun oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxda Maamulka Puntland loogu baahan yahay iney dib u habeyn ku sameeyaan Saldhiga Booliiska Magaalada Burtiinle.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dayactir weyn lagu sameeyo Saldhiga isla markaana Madaxda Puntland ay ahmiyad siiyaan dhismihiisa iyo dib u habeyntiisa.
Waxa uu sidoo kale in mudo sanado ah uu burbursan yahay Saldhigaan isla markaana uusan u dhameystirneyn agabkii lagu shaqeyn lahaa.
Dhanka kale Taliyaha Saldhiga Booliiska Burtiinle ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan saraakiisha sare ee Booliiska Soomaaliya, sidoo kalena uu xiriir wanaaagsan kala dhaxeeyo Shacabka.


