Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Zambia ayaa warbaahinta u sheegay in ay koox u xilsaareen markii uu soo gaaray warka ku aadan 18 qof oo Soomaaliyeed ay ku geeriyooday dalka Zambia waxaana ay xaqijiyeen in dadkaas dhamaantood ay ahaayeen Itoobiyaan oo aysan Soomaali ku jirin.
Jaaliyadda ayaa sheegay in ay dul tageen dadka geeriyooday,islamarkaana ay badan kood ay kasoo jeedaan dalalka Itoobiya iyo Eletaria.
Waxay beeniyeen wararka Sheegaya in dadkaas badankooda ay kasoo jeedaan dalka Soomaaliya.
Tirada dadka dhintay ayaa la sheegaya in ay ku dhaxeeyaan 100-50 qof sida uu inoo sheegay mid ka mid ah ganacsatada kunool dalka Zambia.


