Baraawe-RisaalaFM- Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose shalay waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii ururka Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo Militeri oo ay wateen ciidamo ka tirsan Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo marayay gobolka Shabeelaha Hoose.
Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay dagaalka ayaa sheegay in khasaare badan dagaalka ay ku gaarsiiyeen Al-shabaab.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dileen 7 Shabaab ah halka sidoo kalena uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen 5 ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa xilliga uu weerarka dhacayay waxay ay ku siijeedeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.


