DHAGEYSO: Wasaarada amniga oo ka hadashay dilal xalay ka dhacay Muqdisho

Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa xalay xabad ku furay gaari shacab ah oo maraayey xaafada Warshadda Canaaha degmada Hodan ,waxaana la sheegaya in kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Afhayeenka wasaarada amniga dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dilalkii xalay ka dhacay muqdisho ,isagoo tilmaamay in ay ku raad joogaan kooxihii dilkaas geystay

 

Dhanka kale afhayeenka wasaarada amniga ayaa ka hadlay dilal maalmihii la soo dhaafay loo geystay haween kunool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,isagoo dilkaas ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Al-shabaab.