Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa ka dhacday shaqaaqo ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Qof, kadib markii uu Rasaas furay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Goobta uu falkan ka dhacay ayaa waxaa xilligaasi ka socotay Howlo Gurmad ah oo Afur loogu qeybinayay dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi, ee aan heysan wax ay ku Afuraan.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo Risaala u waramay ayaa sheegay falkaasi in ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Qof oo laba ka mid ah ay yihiin Haween, halka midka kalena uu yahay Nin Oday ah.
Waxa uu sheegay Askariga falka geystay in uu ahaa mid dadka kala celinayay, balse meesha ay isku bedeshay buuq, taasina ay keenytay in Qoriga lala qabsado Askariga, sidaasina ay Rasaasta u dhacday.
Sidoo kale Maxamed Ismaaciil C/laahi Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in gacanta lagu hayo Askariga falkaasi geystay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in shaqaaqdan ay ka dhalatay dhimasho ilaa 4 Qof ah, halka Lix kalena ay ku dhaawacmeen, balse maamulka Degmada wuu beeniyay in ay jirto dhimasho.


