DHAGEYSO WAREYSI: Meydad hor leh oo laga soo saaray Dhismayaal ku Burburay Qaraxyadii shalay

Sida ay sheegayaan dadka degaanka Meydad Hor leh ayaa laga soo saaray dhismayaal ku burburay Qaraxyadii shalay ka dhacay Irida hore ee xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane.

Ilaa iyo hadda Saddex qof ayaa la soo saaray , waxaana dadka Maanta la helay meydadkooda labo ka mid ah yihiin Caruur ay da’doodo ka hooseyso 10 sano.

Wali waxaa socda Baaritaano lagu doonayo in lagu soo saaro dad la aamin san yahay in ay wali ku jiraan dhismayaashii ku burburay Qaraxyadii Shalay .

Qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlaaya Meydadka Maanta lasoo saaray.